Sida "Computer Science" Loo Bilaabo
Faaidooyinka "Computer Science"
Maaddada Computer Science waxay kamid tahay culuumta ugu saamaynta badan dunida. Waa midda sahashay in dadku si fudud u wada xiriiraan, samaystaan dukaamaysi iyagoo gurigooda jooga, iyo iney helaan xogta sida ugu dhaqsiyaha badan. Kuwaani waa un tiro yar oo kamid ah faaidooyinka uu aadanaha u keenay horumarinta culuumta kombiyuutarrada.
Markaad barato Computer Science, fursadahaaga shaqo aad ayay u badan yihiin lakiin waa haddii aad leedahay xirfad ee aysan waxaagu ahayn "theory" qallalan!
Sidee iskugu diyaarin kartaa xirfad shaqo oo Computer Science ah
Marka hore waa muhiim inaan xuso in Compute Science uu wax badan la wadaago culuumta "Engineering" ka. Dugsga sare haddaad ku soo baratay Xisaab iyo Fiisikis, oo aad buundo fiican ka keentay labadaas maaddo, cidna kaama hor istaagi karto inaad bilowdid "Computer Science". Sidaan ognahay kombiyuutar sidiisaba waxaa uu ka samaysanyahay labo qaybood: "Hardware" iyo "Software". Xisaabtu waxay kaa caawinaysaa inaad durba la jaan qaaddid qaybta "Software" ka oo ay ku jirto "Programming" halka Fiisikiska uu kaa caawinaayo inaad fahamtid sida ay u shaqayso qaybt "Hardware" ka.
Marka waxaa iga talo ah inaadan yaryaraysanin awoodda Xisaabta ay leedahay oo xitaa Fiisikisku laftiisu uusan ka maarmin.
Heerka Adaygga Computer Science
Haddaan runlow noqdo, waxaan ku tilmaami karaa Computer Science inuu kamid yahay culuumta ugu adaygga badan ee uu qof arday ahi barto. Wuxuu u baahanyahay inaad waqti badan ku bixiso si aad u fahantid mowduuca markaas aad baranaysid. Mowduucyada iigu adkaa aniga waxaa kamid ahaa: Data structures, Algorithms, Assembly Programming, Automata Theory, Discrete Maths iyo Deep Learning. Waxaad u baahantahay inaad si joogto ah u aqrisid, aadan ku ekaan waxaa barafasoorku u ku dhigo balse aad raadisid "resources" kale sida Youtube ama Udemy ama Coursera iyo baraha kale ee koorsooyinka "technology" ga lagu dhigo. Waxaa kaloo iga talo ah ku celcelinta(practising) samaynta barnaamijyo yaryar(small programs) sababtoo ah waxay kaa caawin kartaa inaad wax badan ka barato xirfadda "programming" ka kuwaas oo laga yaabo inaadan ku baran fasallada jaamacadda ama kolleejka.
Nasiib wacan!๐๐ผ
Subscribe to my newsletter
Read articles from Mohamed Shacab directly inside your inbox. Subscribe to the newsletter, and don't miss out.
Written by
Mohamed Shacab
Mohamed Shacab
BSc. Computer Science. Nomad. Self-taught scholar. Interested in astronomy, computer science, music.