Sida qof wax bartay wax u qor

Mohamed ShacabMohamed Shacab
4 min read

Hordhac

Qoraalka ama maqaallada waxaa qurxiya astaamaha qoraalka ama waxa afka qalaad loogu yeero “punctuation marks” sida hakad(,), joojis buuxa(.), kolmo(““), astaan waydiimeed(?) iwm. Aad bay iiga caraysiisaa(dabcan dad badan oo kalena waa ila qabaan) kolkaan aqriyo qoraal ama maqaal sida dareeriskii loo qoray oo aysan meelna kaga jirin astaamaha kala duwan ama mid si qaldan u isticmaalay astaamaha. Dad badan oo waxaan arkay qoraya qorallo ama buugaag aad u qiimo badan laakiin ka dhintay dhinicii astaamaynta qoraalka. Qoraalkaas oo kale markaad aqrisid waad ku niyad jabaysaa sababtoo ah si fiican uma fahmaysid waxa uu ka hadlaayo ama waxaa laga yaabaa inaad si qaldan u fahantid!😲 Bal ila fiiri labadaan jumladood.

  • Kaalay ila cun Hooyo.

  • Kaalay ila cun, Hooyo.

Bal ila eeg sida adeegsida hakadkaas uu u baddalayo micnaha jumaladdas. Tan hore waxay muujinayasaa in qofka hadlaya uu yahay qof doonaya inuu cuno Hooyadiis, waana sababta ay jumaladdaasi nuxurkii u beeshay. Jumladda labaad oo u hakadku ku jiro waxa ay muujinaysaa in qofu uu la hadlayo Hooyadiis, una soo jeedinayo iney la cuntayso. Intaa waxaa sii dheer in jumaladda labaad ay badbaadisay nolol.

Astaamaha iyo isticmaalkooda

Astmaaha aadka loo adeegsado waa hakad, joojis buuxa, astaan waydiimeed, kolmo, astaanta yaabka iyo xarfaha waawayn. Mid waliba waxay leedahay shaqo gaar u ah oo qofka u sahlaysa inuusan ku wareerin isticmaalkooda. Waxaan rabaa hadda kaddib inaadan noqon qof qaawiyay buuggii uu qoray ama qoraalkii uu ku qoray Baraha Bulshada. Ina adeerow/adeereey iga astur qoraalka maanta wixii ka dambeeya. Bal hadda aynu eegno isticmaalka qaar kamid ah astaamaha.

Hakad(,)

Astaantaan (oo afka qalaad lagu garan ogyahy “comma”) waxaa loo adeegsadaa siyaabo kala duwan sida:

  1. Markaad rabto inaad qorto dhowr shay oo is daba jooga. Tusaale:

    Waxaan soo iibsaday surweel**,** kabo**,** buug iyo qalin.

  2. Markaad rabto in qofka aqrinaayaa qoraalka uu nafiso. Tusaale:

    Si aad shaqo u heshid**,** waa inaad leedahay xirfad.

  3. Markaad qof wax u sheegaysid adigoo magac dhabaya. Tusaale:

    Waryaa Axmad**,** orod biyo ii keen.

    Kaalay ila cuntee**,** adeer.

Joojis Buuxa(.)

Astaantaan (oo afka qalaad lagu garan ogyahy “Full stop”) waxaa loo adeegsadaa dhammaadka hal jumlad oo dhamaystiran. Tusaale:

  • Waxaan ahay arday dhigta fasalka 9aad**.**

  • Soomaaliya waxay leedahay xeebta Afrika ugu dheer**.**

Astaan Waydiimeed(?)

Astaantaan (oo afka qalaad lagu garan ogyahy “Question mark”) waxaa loo adeegsadaa dhamaad suaal. Tusaale:

  • Imisa caruur ah ayaa kula dhashay**?**

  • Gormaad joojin doonta inaad si qaldan u adeegsatid astaamaha qoraalka**?**

Kolmo(“”)

Astaantaan (oo afka qalaad lagu garan ogyahy “doube quotes”) waxaa loo adeegsadaa marka aad si toos ah u soo warinaysid hadal qof yiri. Waxay ka mid tahay astaamaha ay dadku si aad u qaldan u isticmaalaan. Tusaale:

  • Fatumo waxaan ku iri, “waxaad ku qurux badantahay dhowrsananta ee sidas ku sii wad abaayo.”

  • “Dhaqankii hore ee Soomaalida iyo Diinta Islaamka meelo badan ayay iskaga egyihiin”, ayuu yiri macalinka.

Astaantaan waxaa sidoo kale loo isticmaalaa kolka aad erey qalaad ku soo dhex darto qoraalkaaga, taasoo in badan oo maqaalkaan kamid ah aad ku aragtay maadaama aan ereyo aan Af Soomaali ahayn ku soo daray meeshaan.

Xaraf wayn

Waxaad ogatahy iney jiraan xuruuf waawayn(B, T, J, X, A, E) iyo xuruuf yaryar(b, t, j, x, a, e). Tan waxay kamid tahay astaamaha ugu muhiiimsan qoraallada. Xarfaha yaryar iyagu sidaas uma lahan isticmaal gaar ah.

Siyaabaha soo socda u isticmaal xarfaha waawayn:

  1. Jumlad kasta ku bilow xaraf wayn. Tusaale:

    Dhalinyaradu waa 70% shacabka Soomaaliyeed.

  2. Xarafka ugu horreeya magacyada dadka, wadammada, maagaalooyinka ha noqdo xaraf wayn. Tusaale:

    Maxammad wuxuu ku dhashay Garoowe laakiin wuxuu dagganyahay Baydhabo.

Mareeg(())

Astaantaan (oo afka qalaad lagu garan ogyahy “parenthesis”) waxa loo adegsadaa inta badan markaad sheegayso xog aad is leedahay waa muhiim laakiinse laga maarmo. Tusaale

  • Muqdsiho(caasimadda Soomaaliya) waa magaalo qaddiimi ah.

  • Hakkad(.) waxay kamid tahay astaamaha ugu muhiimsan qoraalka.

Gunaanad

Waxaa jira astaamo kale oo iyaguna muhiim ah lakiin aanan halkaan ku xusin. Waxaan kugu dhiirrigalinayaa inaad kuwa kalena soo eegto. Laakiin waxaa hubaal ah haddii intaas aan soo gudbiyay aad si sax ah u isticmaashid, wax badan ayaa iska baddalaya qoraallada aad soo qortid. Si aad wax badan u ogaatid, waxaan kugula talinayaa inaad maqaalkaan laftiisa aad dhuuxdid oo ka fiirisid sida loogu isticmaalay astmaahaha kala duwan.

0
Subscribe to my newsletter

Read articles from Mohamed Shacab directly inside your inbox. Subscribe to the newsletter, and don't miss out.

Written by

Mohamed Shacab
Mohamed Shacab

BSc. Computer Science. Nomad. Self-taught scholar. Interested in astronomy, computer science, music.