Silsiladda Mishiin Baranaya(Machine Learning) Q1


Assalaamu Caleikum. Ku soo dhawaada qaybta koowaad ee taxane aan kaga hadli doono tiknolojiyadda saaidka u hormartay ee Caqliga Macmalka gaar ahaan laanta Mishiin Baranaya. Haddii aad tahay qof ku cusub culuumta Mishiin Baranaya ama se doonaysid inaad wax badan ka ogaatid sida loogu adeegsado culuumtaan xallinta caqabadaha haysta bulshada aad la nooshahay, sii aqriso, asxaabtaadana la wadaag.
Waa maxay Mishiin Baranaya?
Mishiin Baranaya waa tiknoolojiyad casri ah oo hoos imaata tiknoolojiyadda Garashada Macmalka(Artificial Intelligence) taas oo u sahlaysa in maashiinnada sida kombiyuutarka iney wax baran karaan iyagoo isticmaalaya daata aan siinnay(data) ayna guttaan shaqooyinka loo igmado iyagoon nooga baahnayn inan siino amar qayaxan(explicit instruction). Haddii aan si kale u dhigo, baddalkii aan siin lahayn kombiyuutarka amar si u go’aan u qaato, waxaan ku tababbaraynnaa kombiyuutarka daata. Sidaa daraadeed, mishiinku wuxuu baranayaa isku aadka walxaha (patterns), wuxuuna samaynayaa sadaalin ama go’aan lagu saleeyay tababarka aan siinnay.
Tusaale: Kaba soo qaad inaan barno kombiyuutarka inuu aqoonsado sawirrada xoolaha sida geela, ariga iyo lo`da. Markaan kombiyuutarka siinno sawirro kala duwan oo xoolaheenna ah, kombiyuutarku wuxuu baranaya inuu kala saaro. Haddii aan tusno sawir neef geel ah oo aan ka mid ahayn kuwii lagu tababbaray, kombiyuutarka waa uu aqoonsanayaa iney tahay geel oo aysan ahayn lo` ama ari!
Taarikhda Mishiin Baranaya
Safarka Mishiin Baranaya wuxuu soo bilowday qarnigii 20-aad waxaan dhiirigaliyay fikradda ah iney kombiyuutarradu dhaajin karaan sida biniaadamku wax u bartaan. Dadaal dheer uu la galiyay meeshaan ayaa waddada u xaartay in la soo saaro algoorithimyaal(algorthms) wax ka baran kara xog. Algoorithim waa qaciddada ay isticmaalaan barnaamijyada kombiyuutarrada.
1950-meeyadii ayuu nin la yiraahdo Arthur Samuel hindisay barnaamij xisaabinaya jaaniska guusha ee labada dhinac ee isku dhacaya ciyaarta Shaxda Soomaalidu u taqaan.
Noocyada Mishiin Baranaya
3 siyaabo ayaa maashiinka wax lagu baraa:
Barasho Kormeer leh(Supervised Learning)
Markaan waxaan kombiyuutarka ku tababbaraynnaa xog calaamadaysan(labelled data). Tusaale ahaan, haddii xogta lagu tababbarayo tahay sawirro qudaarta, waxaa la rabaa in sawir kasta lagu qoro magaciisa ama waxa uu yahay. Mooska sawirkiisa waa in “moos” lagu ag qoro, yaanyo hadday tahay waa in “yaanyo” lagu ag qoro iwm.
Halka loo adeegsaday
Filterka Iimaylka Isbaamka: Waxaad aragtay in iimaylkaaga uu leeyahay wax la yiraahdo “spam folder” oo lagu tuuro iimayllada isbaamka ah. Si ay tan u suurta gasho, waxaa horey maashiinka loogu tababbaray dabeecadaha ama calaamadaha ay leeyihiin imayllada isbaamka ah, sidaa daraadeed haddii iimayl cusub oo isbaab ah loo soo bandhigo, waa uu garanayaa ilaa xad!
Barasho Kormeer la`aan(Unsupervised Learning)
Tan waa cagsiga tii hore. Xogta lagu tababbarayo kombiyuutarka ma lahan wax calaamad ah. Taas baddalkeeda, maashiinka ayaa la rabaa inuu isku keeno( group) inta isku midka ah ama leh dabeecad isku mid ah. Tusaale ahaan haddi xogta wax lagu tababbaro ay tahay macaamiisha shirkaddaada, mashiinku wuxuu awooda inuu isku koox ka dhigo macaamiisha iibsata kabaha ragga si hadhow loo sameeyo suuq gayn dhib yar(custmer segmentation).
Barasho Dhiirigelin(Reinforcement Learning)
Kan weli waa cusubyahay oo weli ama qaangaarin. Wuxuu ku saabsan yahay in maashiinkuu wax ku barto qaab ah baqtiyo nasiib. Qalad baa dhacaya ama sax bay ku noqonaysa. Hadday qalad noqoto, waad ku celinaysaa hadday sax noqotana, waxaa la siinayaa abaal marin.
Adeegsiga Mishiin Baranaya ee Soomaaliya
Beeraha
In la ogaado cudurrada ku dhaca dalagga(crop disease detection).
Saadaalinta intuu le`egyahay dalagga soo go’aya iyadoo lagu saleeyay xog hore
Dhaqaalaynta isticmaalka biyaha iyadoo la isticmaalayo nidaam waraab oo caqli leh.
Daryeelka Caafimaad
Sadaalinta iyo dabaggalka xanuunnada dillaaca.
Kor u qaadista nidaamka maareynta xogta bukaanka.
Kaalmaynta go’aannada baarista iyo daawaynta.
Horumarin Dhaqaale
Horumarinta Luuqaddeenna Af Soomaliga si ay dadkeenna aysan caqabad ugu noqon iney dijitaalka la jaanqaadan haddaysan xitaa English aqoon.
Xoojinta nidaamka qoondaynta dakhliga loogu talagalay mashaariicda horumarineed.
In si dhow loola socdo dhaqdhaqaada suuqa xorta ah si loo taageero ganacsiyada.
Ka fakar oo nala wadaag
Maxay yihiin meelo aad is leedahay waa loo adeegsan karaa mishiin baranaya deegaanka aad ku nooshahay?
Wali ma la kulantay noloshaada maalinlaha ah teknoolojiyad isticmaalaysa mishin baranaya, sideebay se kuu saamaysay?
Halkaas aan ku jooyiyo maantay. Waa inoo isbuuca dambe iyo qayb kaloo xiisaheeda wadata! Guuleyso.
Subscribe to my newsletter
Read articles from Mohamed Hassan (Hiildhaxal) directly inside your inbox. Subscribe to the newsletter, and don't miss out.
Written by

Mohamed Hassan (Hiildhaxal)
Mohamed Hassan (Hiildhaxal)
Founder of Hiildhaxal.online, BSc. Computer Science. Nomad. Self-taught scholar. Interested in astronomy, computer science, music.