Silsiladda Mishiin Baranaya(Machine Learning) Q2

Assalaamu Caleikum. Ku soo dhawoow qaybta labaad ee taxanaha aan kaga hadlaynay tiknolojiyadda saaidka u hormartay ee Garashada Macmalka gaar ahaan laanta Mishiin Baranaya. Haddii aad tahay qof ku cusub culuumta Mishiin Baranaya ama se doonaysid inaad wax badan ka ogaatid sida loogu adeegsado culuumtaan xallinta caqabadaha haysta bulshada aad la nooshahay, sii aqriso, asxaabtaadana la wadaag.

Qaybta koowaad een soo qaadanay isbuuci hore, waxaan ka soo hadalnay aasaaska Mishiin Baranaya, noocyadiisa kala duwan iyo meelaha loo adeegsado, innaagoo mudnaanta siinnay Soomaaliya. Qaybtan 2-aad waxaan diiradda ku saari doonna luuqadda Python oo ah tan shidaalka ku shubta mashaariicda Mishiin Baranaya.

Maqaalkaan waxaad ku baran doontaa:

  • Sababta Python loo door bido marka loo yimaaddo Mishiin Baranaya

  • Sida loo isticmaalo Google Colab oo ah halka aynu koodhka Python ku qoridoonno

  • Guudmar ku saabsan softiweerrada Numpy, Pandas iyo Matplotlib oo intooduba ah xirmooyin softiweer (libraries)

Ma sugi karo inaan bilaabo! Let’s go.😉

  1. Maxaan Python ugu doorannay Mishiin Baranaya?

Python waxay caan ka dhextahay bulshada Mishiin Baranaya, waxaana loo jecelyahay dhawr dheefood oo ay ka mid yihiin:

  • Barasho fudud: waxay aad u soo dhawaysaa dadka ku cusub maadaama ay leedahay siintakis(syntax) uusan madmadow ku jirin oo sida caanaha geela u cad!

  • Hodan sida Af Soomaaliga: xirmooyin softiweer sida Numpy, Pandas iyo Matplotlib ayaa si mucjiso leh u fududeeya howlo isku cakiran ama murakab ah.

  • Bulsho is kaalmaysa: Dad badan haday isticmaalaan micnaheedu waa inaad heli karto casharro, xogta isticmaalka(documentation) iyo madallo kuu noqonaya meel aad u cararto markaad wax fahmi waysid.

FG: Koorsadaan waxaan ka soo qaadnay in aqristuhu Python horey u soo bartay laakiin uusan ku soo isticmaalin Mishiin Baranaya.

  1. Isku dubarridka Google Colab

Sidaan horey u soo tilmaamay, Google Colab waa bay’ad loogu talagalay in lagu qoro koodha Python ee mashaariicda Mishiin Baranaya. Uma baahnid inaad la soo dagtid Google colab, kaliya waxaa kaa xiga inaad leedahay “Gmail account” sida magacaimaylkaaga@gmail.com. Wuxuu inta badan ku xiranyahay Google Drive kaaga oo ah meesha shaqadaada lagu kaydin doono. Waxaad u baahantahay qad(internet). Google Colab baddalkiisa waxaan isticmaali karnaa Jupyter Notebook oo aanan qadka kaaga baahnayn laakiin hada waxaa inoo fudud Google Colab.

FG: Google Colab wuxuu leeyahay qayb bilaash iyo qayb lacaga ah. Teennu hadda waa bilaash oo wax lacag ah inaad bixisid uma baahnid.

Tallaabo 1

Booqo https://colab.google/

Waxaa kuu so baxaya shaashadda soo socota.

Tallaabo 2

Dooro “New Notebook” si laguugu diyaariyo goob aad ku shaqaysid oo aad ku qori kartid koodhka Python.

Tallaabo 3

Ku soo dhawoow Google Colab!

Hadda aynu wada fiirinno in bay’addeennu ay shaqaynayso.

“Cell” ka dhexdeed ku “paste” garee koodhkaan, kaddib riix SHIFT+ENTER si aad u aragto waxa soo baxa.

print("Ku soo dhawoow Mishiin Baranaya!")

Soo baxay:

Hambalyo!!!

Waxaad ku tallaabsatay horumar muhiim ah marka loo yimaado safarkaaga Mishiin Baranaya. “Keep going!”👏🏼👏🏼👏🏼

  1. Xirmooyin Softiweerka Python ee Mishiin Baranaya Looga Maarmin

Sidaan horey kuugu soo sheegay, Python waxay qani ku tahay xirmooyinka softiweerka ama waxa loo yaqaan “libraries” ka kuwaas oo noo fududaynaya howlo tirabbeel ah. Saddexda aasaaska ah ayaan marka hore wax ka baran doonaa, kuwa kalena waxaan ku arki doonnaa casharradayada soo xiga.

B. Numpy

Numpy(Numerical Python) wuxuu sahlayaa xisaabin tireed(numerical computation). Waxaan ku xasuusinaya in ereyga “computer” uu ka imaaday “compute” oo loola jeedo xisaabin. Asalka kombiyuutarrada wuxuu ahaa in xisaab saynis ah oo cilmibaariseed lagu dajiyo ama waxa loo yaqaan «scientific computation».

Numpy waxay kaalmaysa adeegsiga teed (Array) sii loogu isticmaalo xisaabinta tirooyin adaga oo isku xirxiran sida taxane (Matrix), leeb (Vector), fansaar xisaabeed (Mathematical Functions), iyo kuwa kaloo badan.

Eray bixinta xisaabta waxaa iga caawiyay PDF taan.

Tusaale: Koodhkaan ku «run» garee Google Colab (SHIFT+ENTER) oo arag waxa soo baxa.

#Marka hore soo dhoofiso numpy adigoo ku naanaaysaya np
import numpy as np

# samee teed(array) 1-D ah adigoo isticmaalaya np.array
tirooyin = np.array([1, 2, 3, 4, 5])
print("Teed:", tirooyin)

# Xisaabi celceliska teedka
celcelis = np.mean(tirooyin)
print("Celcelis:", celcelis)

np.array iyo np.mean waxay noo sahlayaan inaan isticmaalno fansaareyaasha(functions) kala ah «array» iyo «mean» oo labaduba ku jira xirmadada softiweerka Numpy.

Soo baxay:

T. Pandas

Pandas waa xirmo softiweerka la adeegsado kolka la rabo daata rogrogid iyo saafid( data manipulation and analysis), taasina waxaa suurta galiyay dhis daateed(data structure) awood leh sida «DataFrame». Casharrada qaybta soo xigta ee isbuuca dambe ayaan Pandas ku istimaali doonnna koodhka.

J. Matplotlib

Matplotlib waa xirmo softiweerka rasmiga ah ee loo isticmaalo sawirid(plotting) ee Python. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad wixii arki kartid siday u yaalaan(visualization). Sawirka soo socda waxaan ku sameeyay Matplotlib. Casharrada qaybta soo xigta ee isbuuca dambe ayaan Matplotlib ku istimaali doonnna koodhka.

Halkaas ha inoo joogo maantay. Wa inoo isbuuca dambe iyo qayb kaloo mac ah. Guuleyso.

0
Subscribe to my newsletter

Read articles from Mohamed Hassan (Hiildhaxal) directly inside your inbox. Subscribe to the newsletter, and don't miss out.

Written by

Mohamed Hassan (Hiildhaxal)
Mohamed Hassan (Hiildhaxal)

Founder of Hiildhaxal.online and KilimoVision, BSc. Computer Science. Nomad. Self-taught scholar. Interested in astronomy, music...