How to learn the art of coding?

kadar bachekadar bache
9 min read

Magacaygu waa khadar waxaan bartay programming anigoon wax mentor ah haysan, mana aaminsani in mentor khaas ah uu u baahan yahay qof-ka raba inuu coding bartaa, waayo waxad heli karaysaa koorsis free ah iyo waliba kuwo qiimo jaban taaso an hubo 90% qofka somaliga ahi in uu awoodi karo, balse waxa uu qof u baahan yahay ayaa ah qodobadan aan kaga hadli doono mawduucan, anigoo diirada saaraya qaabka aad u baran karto xirfadan(programming) master-na ugu noqon kartid adigoo ka war qabaya mar xaladaha aad mari doontid.

Xasuusin

  • qormadan kagama hadli doono barasha mawduuc cayiman sida luuqad ama framework

  • waxa jira kalmado english kuwaaso aan u waayay somali ku haboon

Mindset (hab-dhaqan maskaxeed)

Comfortzon (aaga rayn-raynta)

Dhamaanten ma jeclin in aan ka baxno waxa ay nafteenu ku dareemayso raaxada, waana ta inaga yeelaysa in ay inagu adkaato qabashada shay cusub oo ka baxsan waxyaabaha aan hore u qaban jiray. sidaas darteed marka aad rabto barshada shay cusub waxa ugu horeeya ee la rabo in aad fahanto ayaa ah, waa okay inaad caajis dareento, waa okay inaad focus-ka si yaroo fudud ku waydo,balse waxaaso dhan waad ka gudbaysaa, waadna ku enjoy garayn marka aad la qabsato ee aad baratid, balse ugu horaynta samir oo dulqaado.

Short results (natiijoyin-dhaqso ah)

marka aan bilawno barashada shay cusub waxa aan raadino ayaa ah natiijo dag-dag ah, balse waaqica saxda ah ayaa ah, habayaraate ma jirto wax aad si sahlan iyo waqti gaaban aad ku heli kartaa ama ku gaadhi kartaa. balse aamin in aad u baahan tahay waqti, ma ogid waqtiga aad heli doontid shaqadaad rabtay, ma ogid waqtigaad ku noqon lahayd qof master ku ah shaygii aad barashadiisa bilawday, ma ogid waqtigaad ku dhisi lahayd project-gii aad xiisaynaysay dhisitaankiisa, waxaan kusoo gaba-gabaynayo qodobkan ayaa ah tusaale aan ka so xiganayo buuga atomic-habits ee uu qoray James Clear ayaa waxa uu kaga hadlayaa tusaalaha geed la yidhaahdo "bamboo" ,

geedkan ayaa waxa ay ku qaadata 5 sano in uu dhisto xidido qoto dheer iyadoo mudadas uu dhererkiisu yahay mid gaaban oo aan ka dheerayn dherer-ka qof qaan gaadh ah (2 meter) balse,5 sano oo uu samaystay xidido qoto dheer oo fidsan waxa ay ku qaadata 90 maalmod oo kaliya in uu geedkan dhererkiisu gaadho 27 meter.

Focus on the system not the goal ( Diirada saar qorshaha )

waxa aan inta badan ku mashquulna goolashena balse waxa ka qurxan in aynu focus-ka saaro system-kii aan raaci lahayn sidii aynu u gaadhi lahayn goal-kas, waana ta la rabo in aan ku dadaalno inagoo u fiirsanayna waxyaabaha caqabadaha inagu ah ha noqdaan mentaly amaba physicly oo aynu raadino xalalka caqabadeheena, tan oo inoo saxaysa wadadii aynu u raaci layahn hadafkeena, sidaas darteed ka shaqee oo focus-ka saar system-ka ama qorshaha aad ku gaadhi lahayd hadafkaaga, goals-ku marnaba isma badalayan balse waxa shaqada u baahan waa system-ka aad u raacayso hadafkaaga.

Maxa ka yeela shay mid ay adag tahay barashadiisu ?

hadii aan is waydiino maxaa ka yeela shay mid ay dadku ku sheegan mid ay adag tahay barashadiisu, waxa aan ogaaday in ay yihiin laba shay oo kaliya. labadan shay oo kala ah

  1. in uu u baahan yahay waqti badan iyo

  2. in uu rabo aqoonta shay ka hor barshada shaygad rabto inaad barato

    hadii aan tusaale usoo qaadano xisaabta waxa ay u baahan tahay waqti badan si aad u xalisid math problem, sidoo kalana inta badan waxa ay caan ku tahay si aad u barato topic x in aad aqoon u leedahay topic y, hadii aad labadan fahantid waxan hubaa in aadan odhan doonin mar dambe waxaasi wuu adag yahay, balse aad taas badalkeeda fahmi doontid waxa uu shaygani rabo si aad u baratid.

intaas ka bacdi aan isla eegno sida aad ku baran kartid xirfada coding-ka/programming-ka, inagoo ku horaynayna qaabka aad ku guuldaraysan kartid inagoo intas ka bacdi sixi doona qaladaadkeni inaga yeelay kuwo guul daraystay.

How to fail learning how to code

qaabka aan u sharixi doono qodobkan ayaa ah in aynu samaysano shaqsiyad khiyaali ah taaso aynu ugu yeedhi doono cali, hadaba cali waxa uu qaatay dhawr course sidoo kale waxa uu baranaayay coding-ka mudo bilo ah balse nasiib daro ma uusan arkin wax isbadal ah isagoo intas ka bacdi ka niyad jabay oo joojiyay hayaankiisi barashada coding-ka, hadaba aan isla eegno qaabka uu cali ku guul daraystay iyo waxa uu sameeyay.

  1. cali ma uusan lahayn qorshe cad markii uu bilaabayay hayaankiisa wax barasho

    • waxa ay ahayd in uu cali dagsado qorshe cad, sida in uu yidhaahdo waa in aan ku noqdaa front-end developer mudo sanad ah

    • sido kale waxa fiicnayd in uu ogaado cali, sababta ka dambaysay barashada coding-ka, ma wuxuu rabay in uu helo shaqo mise se uu dhiso fikradiisa ganacsi

  2. waxa uu sidoo kale bilaabay qaadashada koorsoyin laakin waxa uu kaliya samayn jiray ayaa ah in uu copy and past sameeyo isagoon fahmin qaabka uu u shaqaynayo code-ka uu qorayaa

    • waxa ay ahayd in uu cali fahmo waxa uu qabanayo code ka uu qarayaa

    • isku day in aad code qorto halkii aad copy paste ka samayn lahayd

  3. sidoo kale cali ma uusan practice-garayn jirin wixii uu bartay si uu kor ugu qaado aqoontiisa isagoo xalinaya challenges yar-yar

    • kadib marka uu bartay qaabka loo dhiso feature waxa ay ahayd in uu isticmaalo oo uu dhiso feature la mida kii uu bartay isagoon macalinka raacayn

    • sidoo kale waxa fiicnayd in uu naftiisa ku challenge gareeyo in uu xaliyo coding challenges

    • sidoo kale waxa fiicnayd in aanu dag-dagin si uu dhameeyo koorso, waayo koorso aad dhamaysaa marnaba macno ma samaynayso, balse waxa macnaha samaynayaa waa waxa aad si qoto dheer u fahmaysid

  4. sidoo kale ma uusan practice-garayn jirin aqoontisa isagoo dhisaya fikrado uu isagu la imaaday

    • in aad practice garayso waa sida kaliya ee aad coding ku baran karayso laakin saaxibken cali ma uusan samayn taas

    • tani ma ahan doorasho, balse hadii aanad practice garayn coding-ka adigoo dhisaya small projects kuwaaso ka baxsan coursa-dii aad qaadatay ma gaadhi doontid meelna, Practice Practice Practice Practice

    • la imo fikradahaga ama kasoo qaado features kuwaaso aad rabto in aad dub u dhisto platforms jiray

    • iska ilaali in aad ku dhacdo dabinka loo yaqaano tutorial hell-ka

    • tutorial hell: in aad awood u yeelan waydo dhisada project kaligaa adigoon raacayn hagitanka macalinka

  5. waxa ku dhici jiray cali frustration (isku-buuq) marwalba oo uusan qorin code qurux badan oo perfect ah

    1. qor 100 line oo code ah adigoon ka fikirayn tayada code-ka aad qorayso

    2. in aad qorto code clean ah waxay ku imanaysa waqti markaa ha dagdagin saaxib

    3. ogsoonow in aad code kaas ku laaban kartid bilo ka bacdi oo aad refactoring ku samayn karto

  6. cali waxa uu waayay dhiiri-galintii waayo waxa uu ku fikiray in uusan baran karayn wax walba kadib markii uu arkay inta luuqadood iyo framework ee jirta

    • mar walba qirsanaw in aadan wax walba wada baran karayn

    • kaliya baro waxa aad u baahan tahay si aad u gaadho hadafkaaga

  7. kadib markii uu cali dhameeyey dhawr course, waxa uu ku fikiray in uu yahay developer wuxuuna bilaabay in uu diro codsiyo shaqo balse cid qaadanaysaa ma jirto waayo xaata ma uu san dhisin project yar kaligii.

    • tan ayaa ah halka is fahan daradu ka jirto

    • courses-ku waa kaliya bar-bilaw waana bilawga safarkaaga, hadaba aan ka hadalno qaabka aad ku noqon kartid job-ready developer inagoo tusaale ahan usoo qaadanayna (psychological phenomenon) daraasad cilmi nafsiyadeed taaso loo yaqaano "Dunning-Kruger Effect" kuna saabasan sida qofka kalsoonidiisa iyo waxa uu yaqaana aysan ula mid ahayn waxa xaqiiqda ah ee uu yaqaano iyo heerka uu gaadhsiisan yahay takhasus-kiisu taaso ku sababta in uu naftiisa ku sameeyo overstimation/buunbuunin.

Dunning-Kruger Effect

Kadib markaynu wax ka baranay qaladaadkii cali, iyo siduu u xalin karo imika aan isla eegno marxaladaha uu mari doono inta uu ku jiro hayaankiisa wax barasho inagoo isticmaalayna Dunning-Kruger Effect.

horizontal-line : line-ka jiifa waxa uu muujinaya heerka aqoonta ama takhasuska

vertical-line : line-ka taagana waxa uu muujinaya heerka kalsoonida

heerarka uu mari doono cali ayaa kala ah :

Peak of "Mount Stupid"

  • marka u horaysa ee uu qof barto shay cusub waxa kor u kacda kalsoonidiisa

  • sidoo kale waxa ay aaminan in ay garanayan wax badan waayo ma oga waxyaabaha aysan garanayn ilaa hada

  • waxa ayna ku fikirayan in ay wax walba garanayan

  • hadii aynu ku dabaqno stage-kan(Peak of "Mount Stupid") tusaalaheni qisada cali, kadib markii uu cali qaatay dhawr course oo kala duwan, lana dhisay dhawr project oo yar yar macalimintii uu wax ka dhiganayay waxa uu ku fikiray in uu yahay developer wayn awoodna u leh in uu dhisi karo project-gii uu ku riyoonaayay in uu dhiso, balse waynu wada og-nahay in uu ku jiro xaaladan Peak of "Mount Stupid".

Valley of Despair

  • ka dib marka ay sii wadan wax barashada waxa ay ogaanayan in ay jiraan waxyaabo badan oo wali aysan garanayn

  • intaas ka bacdi waxa hoos u dhacda kalsoonidoodi

  • stage-kana waxa uu ka dhigaa kuwo aamina in aysan garanayn wax saas u sii badan sidii ay aaminsanaayen iyagoo waaya dhiirigalintii

  • tan oo ku sababi karta in ay ka caajisan amaba xaata halkaas kaga joogsadan oo ay is dhiiban

  • cali markan isma uusan dhiibin balse wuxuu sii waday barashada ashyaadas ku cusub isagoo aaminay in aysan jirin in ay qasab tahay ogaanshaha wax walba, balse ay muhiim tahay in aad kaliya ku dadaasho sidii aad kor ugu qaadi lahayd aqoontaada una waajihi lahayd challenges-kas cusub.

Slope of Enlightenment

  • ka dib sii wadida wax barashadooda waxa dub usoo kacda kalsoonidoodi

  • balse markan waxa realistic ah in ay wax badan ka yaqaanan shaygii ay baranayeen

  • waxa ay noqdaan kuwo awood u leh qabashada ashyaa waawayn waliba iyagoo ka war qaba awoodahoda iyo xadidaanshahoda.

  • cali markan waxa uu bartay wax badan, waxa uu waajahay intaaso problem kamana uusan niyad jabin, waxa uuna aaminay in ay tahay in aad wax garan waydaa qayb kamida hayaankaga wax barasho, waxa uuna dhisay projects waawayn halkaas oo uu ku bartay topics uusan waligii macalin ama course uu qaatay midna ka barteen, tan oo cali ku hogaaminaysa stage-ka xiga kaaso ah

Plateau of Sustainability

  • heerkan qofku waxa uu gaadhay heer uu yahay xirfadiiste taaso ku timaaday khibrad

  • iyadoo kalsoonidiisu la mid tahay heerka khibradiisa

  • hada waxa ay fahansan yihiin waxa ay qabanayan iyagoo bari kara dad kale sidoo kalena ku dabiqi kara cilmigooda waxa ay rabaan in ay naftooda u qabtaan ama qof kale u qabtaan shaqo (jop-ready).

  • intaas ka bacdi imika cali waxa uu usoo samray caqabado badan, wuxuuna aqoon buuxda u leeyahay waxa uu qabanayo taaso ka dhigaysa mid awood u leh in uu dhiso project-gii uu ku riyoonayay kana yeelay mid soo dhex muquurta waxanoo heerar ah laakin imika ugu yaraan waxa uu ku faani karaa naftiisa, caqabadihii uu wajahay ee ka ilmaysiin jiray balse uu u samray xaliyayna xasuusahodu waxa ay ka yeelayan mid emotional noqda marwalbuu xasuusto .

  • laakin intan kuma eeka wax barashadu maalin walbana waxa uu baranaya waxyaabo cusub.

Conclusion

intaas ka bacdi waxa aan rabaa in aan la wadaago talooyinkan qof walboo dhalin yaro ah oo raba inuu barto coding/programming waanadas oo ah sida tan, mar walba bilawgu wuu adag yahay balse dhabar adayg, wax baro maalin walba hana ka caajisin, samayso roadmap oo raac "one step at a time" ha dagdag balse taas badalkeeda isku day in aad si fiican u fahantid wixii aad baranaysay, isku day in aad hesho macalin kaaso ay kula tahay in aad wax ka baran karto, isku day in aad ku biirto bulshooyin aan somali ahayn iyo kuwo ahba, wax walbood u baahato google garee, baro luuqada english-ta hadii aanad ku wacnayn waayo english-tu waa udub dhexaadka programming-ka.

2
Subscribe to my newsletter

Read articles from kadar bache directly inside your inbox. Subscribe to the newsletter, and don't miss out.

Written by

kadar bache
kadar bache