Sideen wax u bartaa 11 ilaa 13 saac maalinki adna aad ku baran karta

kadar narutokadar naruto
4 min read

intaynan bilaabin mawduuca waxan qodobayn doona farsamooyinka inaga caawinaya inaan ka dhigno maalinkena maalin wax barasho.

  • Passion (xiisayn)

  • Discipline

  • Pomodoro Technique

  • Bedtime (fiid seexasho)

  • Distractions

  • inspiration

Passion

Waxaan nahay bila’aadan, samayskena ayaana ah inaynan qaban karayn shaqo taaso aynu karahsanyno, xaata hadan qabano kuma qabanayno farxad iyo firfircooni ee waxaynu qabana shaqadas inago kolba saacada eegayna oo dhibsanyna.

Suurayso waxad joogta iskuulka waxadna ku jirta xiisad aadan jeclayn imisa jeer ayaad kolba fiirin lahayd inta xiisadas waqtigeda ka hadhay, waliba nasiib daro haday 5 daqiiqo ka hadhay xaata 5tas daqiiqo waxay kuula mid noqonaysa inay ka badan tahay 5ta daqiiqe caadiga ah.

Hadaba Passion waa qabashada shay aad xiisaynayso kaaso markad qabanayso aad dareemayso daganaan iyo fir-fircooni, qof walboo inaga midi wuxuu jecel yahay inuu barto shay, shaygaaso uu jecel yahay barshadiisa

Ugu dambayn waa inuu ahada waxad baranaysa wax aad jeceshahay.

Discipline

Waxaynu kasoo hadalnay Possion kaaso inaga saacidaya inan baro shay aan jecelnahay, hadaba Discipline wuxuu inaga saacidaya inaynu u barano shaygaas si joogto ah, waayo qabashada shay halmaalin 10 saac oo xidhiidh ah waxa ka fiican qabashada shaygaas 30 daqiiqo maalin walba mudo bil ah.

Hadaba waxan isla eegi doona sidaynu ku joogtay karo qabashada shay inago isticmaalayna day 1 rule ama (mudayn), waxaynu dajisanayna tusaale ahan 30 maalin oo an odhanyno waxan baranayna 30ka maalin ee soo socda xirfad hebel, inago qabsanaysa xili cayiman iyo goob aynu u astaynay.

“Joogtayntu waa buundada u dhexaysa goolashada iyo gaadhidooda“ .

Pomodoro Technique

Pomodoro Technique waa nidaam kaa saacidaya inaad u kala qaybiso waqtigaaga waqti wax barasho iyo waqti gaaban oo nasasho ah “break”.

  • Hadaba sidaynu u isticmaali karaa pomodoro tiechnique.

  1. Dooro Task ama shay aad rabto inad qabato

  2. Qabso mudo 25 minutes ah

  3. kaliya Diirada saar shaygaas ad qabanyso ilaa ay ka dhamanayso 25kaas daqiiqo

  4. Short break, Qaado waqti gaaban oo ilaa 5 daqiiqo ah ka bacdi samee shay aad rabtay inad qabato, amaba shay ad jeceshay , lkin waxan kugula talinaya inad ka dheerato internetka galidiisa.

  5. Repeat, ku celceli 25kaas daqiiqo iyo 5taas nasashada ah tiro dhan 4 Jeer, ka bacdi qaado Long-Break (fasax dheer) 1 hour.

ugu dambayn systemkani waa midka laf dhabarta u ah qabasha shay saacado badan, mawduucan oo kaliyi wuxuu u qalmaa in laga qoro article isaga u gaara, hadad rabto inad ka ogaato mawduucan warbixin intan ka badan waxad daawan karta muuqalkan uu ka sameeyay Ogaansho.

Bedtime

Sidaynu ognahay maalinkenu wuxuu ku xidhan yahay, Habeenki ka horeeyan malinkas, Tusaale ahan hadaynu saamalaylnay habeenkas(dhafar) waxa hubaal ah in maalinkeenasi uusan ahan doonin maalin wax soo saar leh ama productive day.

Hadaba sideeynu ku seexan kara habeenki xili hore inagoo og faa’idoyinka uu u leedahay nafteena, waxa jira hal qodob oo laysku raacay kaaso ah ka fogaanshaha ama ka dheeranshaha blue lightka ama iftiinka kasoo baxa shaashadaha sida mobile da saacad ka hor waqtiga hurdada.

Distractions

hambalyo, hadaad soo gaadhay ilaa halkan waayo qodobkani waa mid kamida kuwa ugu hadal haynta badan marka ay timaaqo qabashada shaqo (Task).

hadaba waxa aynu joogna casri kaaso ay saa’id u fududahay in aad ka mashquusho shayga aad qabanaysay iyadoy kuugu filan tahay kaliya inad mobilkaaga furto aadna internetka gasho, iyadooy waxaso dhamina ku dhacayan mudo sikino gudahood ah.

hadaba waxaan ogaaday in habka ugu fudud ee aad kaga dheeran karta ay tahay adigoo dhiga mobile kaaga meel ka fog goobta ad ku qabanayso hawshaas, hadaba hadiiba ay dhacdo inaad uga baahan tahay wax mobile kaaga kaaso muhiim ah waxan kugula talinaya inaad iska xidho notification systemka mobilkaga amaba aad ka delete garayso mobile kaaga baraha bulshada si aysan kuu mashquulin oo aadna isticmaasho maalmo aad u qorshaysay.

waxyaabaha kaa mashquulin kara qabasha hawl waa ay badan yihiin waxaana qurxan marwalba inad ka dheerayso (fogayso) shaygaas goobtada shaqo ama waxbarasho ka hor inta aadan bilaabin hawshaas.

Inspiration

helitaanka dheerigalin iyo meel aynu ka helayno shiidal kaaso inoo ogaalanaya inaynaan meel dhexe ku istaagin waa waxa aynu u baahan nahay si aan u sii wadano hayaankena wax barasho, hadaba waxan odhan karaa inspiration waa helida cid aan ka tusaale qaadano si ay inoogu noqdaan dhiiri galin.

hadaba waxaan kula wadaagaya qaab aad ku heli karto dad wax kula baranaya mudo saacado badan ah, kaliya waxad tagtaa youtube adigoo ku qoraya study with me, ka bacdi waxad heli doonta dad kuwaaso live soo galaya iyagoo wax baranaya ka bacdi waxay kuu noqon karaan tusaale aad ku dayato.

ani ahaan waxan taagera youtuberkan loo yaqaano Pascal Zoels, laakin waxa jira youtubers badan, kaliya waxad ku xulan kartaa waa time systemkooda iyo habka ay u isticmaalan pomodoro technique.


Ugu dambayn waxan rajaynaya inaad ka faa’idey waxyaabo badan Article kan.

0
Subscribe to my newsletter

Read articles from kadar naruto directly inside your inbox. Subscribe to the newsletter, and don't miss out.

Written by

kadar naruto
kadar naruto